Man City oo £90m ku dooneyso Harry Maguire.

Kooxda hogaamineysa horyaalka  Premier League-ga ee Man City ayaa isha ku heysa xaalada daafaca kooxda Leicester City iyo xulka Englan Maguire.

Tababaraha kooxda City Guardiola ayaa taageere weyn u ah daafaca Leicester iyo xulka Englan waxaana kuu ku rajo weyn yahay in uu kooxdiisa keeno bisha julaay.

Maguire ayaa ka mid ah xidigaha aadka looga doon doonayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda wuxuuna diirada u saran yahay kooxo dhowr ah oo ay ka mid tahay Man United.

Wargeyska The Sun ayaa ku waramaya in City 90m ay diyaar latahay in ay ku hesho daafaca birta ah ee kooxda Leicester iyo xulka Englan.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Read Next

Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay duleedka Magaalada Kismaayo.