Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay duleedka Magaalada Kismaayo.

Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab aya weerar ku qaaday saldhig Ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baar sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Dadka deegaanka ayaa Mustaqbal u sheegay in dagaalka uu ku dhowaad saacad socday, waxaana la maqlayay rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in khasaare uu kala gaaray dhinacyadii dagaalamay inkasta oo aan la ogeynta inta uu gaarsiisan yahay.

Mukhtaar Cabdi Maxamed oo kamid ah Saraaiisha Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Mustaqbal u sheegay in ciidamo katirsan Maamulkaas oo roondo ka waday deeganka Araare in ay weerareen Al-Shabaab, iyanne ay iska caabbiyeen sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaalka ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgalada ay Al Shabaab ugu saarayaan deegaanada Maamulka Jubaland, siga oo sheegay in haatan gacanta ku hayaan Buundada Araale iyo deegaanada hoosyimaada ee maanta dagaalku ka dhacay.

Al-Shabaab waxa ay sheegteen in ay weerareen saldhig Ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin Deegaanka Baar-Sanguuni, inkasta oo aysan sheegin khasaaraha ka dhashay.

 

MM Staff

Read Previous

Man City oo £90m ku dooneyso Harry Maguire.

Read Next

HORDHACA:Man United vs Chelsea+Safafka Macquulka ah.