AMISOM oo beenisay in laga qabsaday Sabiid

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay been abuur tahay in Al-shabaab ay gacanta ku dhigeen degaanka Sabiid ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa Habeen hore weerar ku qaaday Saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee degaannada Sabiid iyo Caanoole.

Warka ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in qabsashada Sabiid iyo Caanoole ay xanuun ku tahay Al-shabaab iyo taageerayaashooda warar been ahna faafinayaan.

AMISOM waxaa ay sheegtay in degaanka Sabiid ay si buuxda u maamulaan Ciidamada dowladda Soomaaliya oo taageera ka helaya AMISOM.

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa ay degaanada Sabiid iyo Caanoole ka saareen Al-shabaab 1dii Bishan April.

Web master

Read Previous

AU Mission denies takeover of strategic town by al-Shabab

Read Next

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho