Soomaaliya iyo Pakistan oo wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca Amniga iyo Difaaca
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Daahir Aadan Cilmi Indha, ayaa markii u horeysay ka hadlay Ciidamada isaga soo baxay difaacyadii ay kaga sugnaayeen labada Shabeelle, kuwaasoo ka cabanaya mushaar la’aan dhowr bil heysata.
Janraal Indha Qarshe oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in muhiim ay tahay in la helo tirada saxda ah ee Ciidamada, si taasi loo helana ay tahay in la sameeyo tiro Koob.
S/gaas Daahir Aadan Cilmi, ayaa sheegay iney sare u kacday Miisaaniyada ku baxda Ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna Ciidamada faray iney ku sugnaadaan gobaha dowladda ay ku ogtahay.
” waxaa maqnaan kara oo kaliya Ninka Jiran, Ninka tababarka ku maqan iyo Ninka fasax sharci heystsa, Cidii kale ee ka maqan goobtii loogu talagalay iyadaa iskeed isaga maqan, kamana mid noqonayo Ciidanka oo shuruudii ma buuxin” ayuu yiri Indha Qarshe.
Maalmahan dambe ayaa waxaa aad u kordhay cabashada ku aadan mushaar la’aanta heysa ciidamada xoogga dalka, kadib markii ciidanka qaarkood ay soo baneeyeen deegaano dhawr ah oo markii danbe Shabaab ay la wareegeen.
