Safiiradii Zambia ee Kenya oo Nairobi ku geeriyootay.

Safiiradii wadanka Zambia ku matalaysay Kenya ,Brenda Muntemba ayaa u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray shil ay bishii hore ku gashay goobta loo yaqaano Lukenya ee ka tirsan ismaamulka Machakos ee Kenya.

Waxaa geerida danjiraha xaqiijiyay xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Mr. Macharia Kamau.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in Mrs. Muntemba ay ku dhimatay isbitaalka Nairobi xilli lagu dabiibayay qeybta la dhigo bukaanada ayada oo ay xaaladoodu halis tahay.

Shilka ay ku dhaawacantay ayaa yimid kaddib markii baabuur ay saarnayeen iyada iyo dhigeeda Botswana ee Kenya Duke Lephoko uu mid kale ku dhacay.

Geedida Safiiradda Zambia ee dalka ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay wasiiradda arrimaha dibadda Dr. Monica Juma iyo wakiilka haweenka ee Nairobi Esther Passaris oo qoraalo soo dhigay baraha ay ku leeyihiin twitarka.

MM Staff

Read Previous

Maamulka Somaliland oo xiray Mas’uuliyiin Musuq loo heysto.

Read Next

Janaraal Indha qarshe oo ka hadlay tirakoobka Ciidanka Xoogga dalka.