RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari
Maamulka Somaliland ayaa maanta xiray mas’uuliyiin haya xillal Maamuleed oo lagu eedeeyay in ay ku kaceen musuq-maasuq iyo wax is dama marin.
Agaasimaha maamulka ee wasaaradda warfaafinta Xasan Maxamuud Muxumed ayay wararku sheegayan in saakay ciidanka boolisku xabsiga u taxaabeen, sida xaqiijiyeen howlwadeenada hantidhowrka Somaliland.
Agaasimahii hore ee wasaaradda warfaafinka Cismaan Xuseen Warsame ayaa isna ka mid ah dadka xabsiga la dhigay, waxaana maalin kahor Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka aqbalay warqadda is casilaada oo uu u gudbiyay.
Ciidamada ayaa baaris ku haya shaqsiyaad kale oo la tuhmayo in ay qayb ka yihiin musuq maasuq ama isdaba mareyn ay u adeegsadeen xilalka ay hayaan.
Maamulka Somaliland wali si rasmi ah uma faah-faahin, dabagalkaan ay ku wadaan shaqsiyaadka loo heesto Musuqa.
Xafiiska Hanti Dhowrka Somaliland ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dabagalka Wasaaradaha qaar oo la tuhmayo in ay wax is dabamariyeen.
