MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta wafdi Wasiiro ah u diray Gobolka Sh.Dhexe, halkaas oo deegaano badan oo kamid ah ay isaga soo bexeen Ciidamo ka cabanayay mushaar la’aan.
Wafdiga waxaa Hoggaaminayay Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale), iyadoo ay qeyb ka yihiin Wasiirka Warfaafin Daahir Maxamuud Geelle, Abaanduulka Xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan.
Xubnaha ayaa maanta tagay deegaanka Ceel Cadde oo ay joogaan Ciidamo ka soo baxay deegaano ka tirsan degmada Cadale, waxeyna markii danbe u sii gudbeen Xerada Hiilweyne ee ku taala degmada Balcad.
Waxa ay warbixino ka dhageysteen Saraakiisha Hoggaamineysa Ciidanak gadoodka sameeyay, iyagoo sidoo kale hadalo u jeediyay Ciidanka, waxaana la filayaa in xogta ay soo uruuriyeen ay u gudbiyaan madaxweyne Farmaajo.
Si kastaba, madaxda ugu sareysa ee dowladda Soomaaliya ayaa filan waa ku noqotay talaabada ay Ciidamada uga soo baxeen Mahadaay, Buurane, Qalimow iyo Garsaale ee duleedka magaalada Jowhar, iyadoo laga cabsi qabo in deeganadaas ay gasho gacanta Shabaab.
