DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1
Indhaha Taageerayaasha kubadda cagta ayaa kusii jeeda Garoonka Anfield halkaas oo ay ku ciyaari doonaan kooxaha Liverpool iyo Arsenal.
Kulankaan ayaa ka tirsan kulamada 20aad ee Horyaalka Dalka Ingiriiska oo hada soo gaaray meeshii ugu xiisaha badneyd.
Hogaamiyaasha Tartankan ee Liverpool ayaa dooneysa in ay sii ilaashadaan Rikoorkooda guuldaro la’aanta ah, waxayna insha ku hayaan in gaaraan guushoodii 9-aad oo isku xigta.
Dhanka kale, Gunners oo kulankeedii ugu dambeeyay soo kuftay ayaa dooneysa in ay Reds garaacdo si ay u noqoto kooxdii ugu horeeysay ee Sanadkaan guul ka gaara kulamada Horyaalka.
XOGTA CIYAARTA:
KULANKA: Liverpool vs Arsenal
GAROONKA: Anfield
WAQTIGA: 08:30 Fiidnimo
TAARIIKHAHA KULANKA:
Kulankan ayaa noqon doona kulankii 227-aad ee dhex mara labadaN koox tartamada oo dhan, Liverpool ayaa badisay 86 kulan halka ay Arsenal badisay 79 kulan waxana ay bar-baro ku kala bexeen 61 kulan.
Reds ayaan 7 kulan guuldaro kala kulmin Arsenal tartamada oo dhan 3 way badisay 4 bar-baro ayay la gashay markii ugu dambaysay ee ayna in ka badan haatan guuldaro kala kulmin Arsenal ayaa ahayd February 2000 markaas oo ayna guuldaro kala kulmin 14 kulan.
Gunners ayaan wax guul ah ka helin Anfield 5-tii safar ee ugu dambeeyay iyada oo laga dhaliyay 2 iyo wax k abadan kulan walba guud ahaana laga dhaliyay 17 gool.
