Marcos Llorente:”Marnaba kama tagi doono Real Madrid”

Laacibka kooxda Real Madrid Marcos Llorente ayaa ugu dambeyn ka hadlay mustaqbalkiisa ciyareed isagoona sheegay in uu kooxdiisa marnaba ka tagi doonin kooxdiisa Real Madrid.

Llorente ayaa ku dhibtooday in uu ka mid noqdo safka kowaad ee Tababare Solari waxaana aad loola xiririyay in uu kooxda katagi doonin.

Kooxo dhowr ah ayaa lala xiriiriyay xidiga khadka dhexe ka hor inta uusan u ciyaarin kooxda koowaad, laakiin 23 jirkaan ayaa shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan yahay sii joogista  Bernabeu wuxuuna yiri”

“Waan hubaa inaan sii joogi doono halkan, waan ku faraxsanahay, mana doonayo inaan baxo” ayuu Llorente u sheegay suxufiyiinta. “Waa run in ay adagtay kubadda cagta” ayuu yiri Llorente.

Llorente, oo hore uga soo ciyaaray xulka 21 jirada Spain ee da’doodu ka hooseyso 21 jirada, ayaa kasoo baxay akadhemiyada Real Madrid.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

HORDHAC: Liverpool vs Arsenal, Klopp vs Emrey & Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Ugu Adag EPL-KA.

Read Next

Al-shabab oo sheegtay in ay saanad ciidan ku qabsatay dagaal ka dhacay duleedka Baydhaba