Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay
Xarakada AL-shabaab ayaa sheegay in saaka uu dagaal kula wareegay degaanka Goof Guduud Buurey oo ku yaalla Gobolka Baay.
Al-shabab ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan ay weerar ku qaadeen saldhigga Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed ee Goof Guduud Buurey oo 30km u jirta Magaalada Baydhaba, halkaas oo ay saanad ciidan ku qabsadeen sida ay sheegteen.
Waxaa ay sheegeen in ay ku dileen ugu yaraan 10 ka mid ah Ciidamada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Dhinaca Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya wali kama hadlin dagaalka ay sheegtay AL-shabab in ay saaka ku qabsatay degaankaas.
Goof Guduud Buurey,waxaa dhowr jeer isu dhaafay Ciidamada Koofur Galbeed iyo Al-shabaab oo midiba mar ka qabsanayay kan kale,waxaana bilihii la soo dhaafay saldhig u ahayd Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.
