Ciidanka Dowladda oo howlgal ka wada suuqa Bakaaraha

Ciidamada Amaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa baaritaan ka wada suuqa Bakaaraha ee Magalada Muqdisho.

Howlgalka ka socda Suuqa Bakaaraha ayaa lagu sheegay in uu la xiriiro Gaari Qarax looga shakiyay oo lagu sheegay in uu ku jiro suuqa.

Isgoyska Bakaaraha ayaa loo diiday Dadka iyo Gaadiidka,waxaana Ciidamada  ay gudaha u galeen Suuqa Bakaaraha.

Mid ka mid ah dadka ku sugan Suuqa ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Ciidamada amaanka ay gacabta ku dhigeen Gaari laga shakisanyahay iyo qofkii waday.

Filo wixii ka soo kordha.

Mustaqbal media

Read Previous

Ashley Young oo seegaya kulanka Arsenal, Sabab?

Read Next

Ballon D’or 2018: Waqtiga, Goobta & Xiddiga Ugu Ca-Cad Ku Guuleysiga Abaalmarinta Laacibka Adduunka Oo Caawa La Bixin Doono