Ballon D’or 2018: Waqtiga, Goobta & Xiddiga Ugu Ca-Cad Ku Guuleysiga Abaalmarinta Laacibka Adduunka Oo Caawa La Bixin Doono

Indhaha Taageerayaasha Kubadda Cagta ayaa kusii jeeda xaflada abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or-ka taas oo lagu qaban doono caasimada Dalka France ee Paris.

Xaflada ayaa la qaban doonaa caawa oo Isniin ah kuna beegan 3 bisha Demceber 2018 iyada oo xafladu bilaabmi doono 10:45 habeenimo wakhtiga geeska Africa iyo 7:45 fiidnimo wakhtiga caasimada Paris.

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa ugu cad-cad ku guulaysiga abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka sanadka 2018 kadib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah Abaalmarino kalena ku guulaystay.

Majalada France Football oo bixin doonta Abaalmarinta ayaan wali soo saarin 3-da xiddig ee kama dambaysta ah ee u tartami doona abaalmarinta kadib markii ay soo saartay 30-ka xiddig todobaadydo ka hor.

Xaflada ayaa laga daawan doonaa beIN SPORTS, Majalada France Football iyo waliba wargayska L’Équipe kuwaas oo si toos ah u soo tabin doona xaflada inta ay socoto.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Ciidanka Dowladda oo howlgal ka wada suuqa Bakaaraha

Read Next

Ciidamada amaanka oo qarxiyay Miino lagu aasay Bakaaraha