Xaggee la geeyay lebbiskii Kacbada ee shalay la beddelay?,Sawirro

160 Rag ah ayaa loo xilsaaray in ay ka shaqeeyaan sameynta lebbiska ama dharka cusub ee Kacbada,kuwaas oo soo gaba gabeeyay sameynta dharka cusub,waxaana shalay oo ahayd 8da Carafo la beddelay lebbiskaas iyada oo lagu beddelay mid cusub oo ay shaqaalaha u tababaran sameynta dharkaas sameeyeen.

Ragga tola dharka Kacbada oo ku tolaya Dahab iyo Maar.

Axmed Bin Maxamed Al Mansuuri, oo ah agaasimaha guud ee dhismaha Boqor C/Casiis ayaa wareysi uu siiyay Al Carabiya ku sheegay in lebbiskii hore ee Kacbada oo ka sameynaa Dahab laga fujiyay laguna xiray dhar kale,waxaana midka cusub lagu xiray saaka oo Isniin ah.

Lebbiska Kacbada oo lagu qorayo aayado Qur’aan ah oo laga dhigay Dahab iyo Maar.

Aayado Qur’aan ah ayaa lagu dhexqoray dharka cusub oo ka kooban maar iyo Qalin u ek kii hore ee Dahabka ahaa,waxaana sababta uu ku sheegay in la xaqiijinayo farsamooyinka si looga hortago kiimiko iyo Bakteeriya ku harta dharka hore ee dahabka ka sameysnaa.

Ragga ka shaqeeya naqshadeynta Lebbiska Kacbada.

Lebbiska ama dharka hore ee Kacbada waxaa uu ka koobnaa 670kg oo qalin ah, 120kg oo Dahab midab madow ah lagu dahaaray, 100kg oo maar ah, waxaa ay ka sameysan tahay Kartoon lagu dhex qoray Aayado Qur’aan ah.

Saraakiil ka mid ah Boqortooyada oo ka qeybgelaya munaasibadda dhameystirka tolliinka dharka Kacbda.

Dharka Kacbada waxaa uu bedkiisu gaarayaa 14Mitir,waxaaa ballaciisu yahay saddex meelood meel ka mid ah dhererkiisa oo u dhiganta 95CM, dhererkiisu waxaa uu gaarayaa 47 Mitiri, oo ka kooban 16 Gabal oo naqshadeyn Islaami ah leh.

Image may contain: one or more people

Dharka Kacbada waxaa uu ka kooban yahay shan qeybood,qeyb kastana waxaa ay dabooshaa shanta qeybood ee Kacbada,qeybta shanaad ayaana badanaa ku aaddan albaabka laga galo Kacbada.

Dowladda Sucuudiga ayaa Guri aad loo ilaaliyo geysay Lebbiskii Kacbada si halkaas loogu ilaaliyo.

Isha: Al Carabiya

Mustaqbal media

Read Previous

Ciidamada Dowladda oo dhallinyaro badan ku xir xiray Marka,Sawirro

Read Next

AMISOM and SNA Forces arrested Hundreds in Marka Town