Ciidamada Dowladda oo dhallinyaro badan ku xir xiray Marka,Sawirro

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalka ay xalay ilaa saaka ka sameeyeen Magaalada Marka waxaa ay ku xir xireen dhallinyaro badan.

https://pbs.twimg.com/media/

Howlgalkan waxaa uu ka dambeeyay kaddib markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay shalay dib u qabsadeen Magaalada Marka oo oo qeyb ka mid ah ay maamulayeen Al-shabaab.

https://pbs.twimg.com/media/

Xalay ayey ahayd markii uu kulan dhexmaray Maamulka Magaalada iyo Abaanduulaha xilka ka siidagaya ee Cabdullahi Cali Caanood oo Ciidan uu hoggaaminayo ay shalay Al-shabaab ka qabsadeen qeybtii ay ka joogeen magaalada.

https://pbs.twimg.com/media/

Ciidamada AMISOM,malleeshiyo Beeleed iyo Al-shabaab ayey u kala qeybsaneyd Magaalada Marka tan iiyo August 2016kii.

https://pbs.twimg.com/media/

Bogga Twitter-ka AMISOM ayaa lagu daabacay in Ciidamada iskaashanaya ee AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ay howlgal ka fuliyeen Magaalada Marka.

Mustaqbal media

Read Previous

16; Haween kakaaliyayaal caafimaad ah oo mar qura uur wada qaaday!,Sawirro

Read Next

Xaggee la geeyay lebbiskii Kacbada ee shalay la beddelay?,Sawirro