Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo shirguddoomiyay shir looga hadlayay xaaladda Magaaalada Baardheere.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa maanta shir Guddoomiyey shir ay isugu imaadeen Hay’addaha ka shaqeeyo arrimaha Bin’aadannimada oo looga hadlaayay xaalada Magaalada Baardheere oo dhawaan uu ku fatahay Wabiga Jubba.

Kulankaan waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalim Cabdulle, La-taliyaha Istaraatiijiyada iyo Iskaashiga Maxamed Cumar Macalin, Madaxa isku-xirka arimaha gargaarka Soomaaliya ahna Ku-xigeenka madaxa Qaramada midoobay ee Soomaaliya Adam Abdul Mowla,waxaana looga hadlay Xaalada Baardheere iyo Sida dadka halkaas sameenta ka soo gaartay gargaar loo gaarsiin karo.

Masuuliyiinta ka qeyb-galay shirkan muhiimka ah ayaa ku balamay in la qabto shir balaaran oo xooga lugu saaraayo arrimaha biyaha iyo  sidii xal waara loogu heli lahaa dhiibootooyinka ka dhasha biyo yarida iyo fataahadaha, ayidoo lugu balamay in ay Hay’adda SoDMA ay qaadato dowrka isku xirka.

Dowladda Federaalka & DG Jubbaland oo kamid ah Dowlad-Goboleedyada hoostaga ayaa maalintii labaad waxa ay gurmad bani aadamnimo u qorsheeyeen in la geeyo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo saameyn taban ay ku reebeen daadadka Roobka & Fatahaadda Webiga Jubba uu ku sameeyay Degmadaas.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Taliyaha Booliska ATMIS kala hadlay sugidda Amniga.

Read Next

Tababarihii Xulka Kubadda Cagta Sacuudiga ee Koobkii Adduunka 2022 garaacay Argentina oo Is casilay.