Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Taliyaha Booliska ATMIS kala hadlay sugidda Amniga.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha ciidanka Boliiska hawlgalka midowga Afrika ee ATMIS Hillary Sao Kanu iyo Sarkiil ay hoggaaminaysay.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta howlaha wadashaqeynta Boliiska ATMIS iyo taliska Booliska Soomaaliyeed, iyo in Booliska ATMIS ay si buuxda qayb uga qaadan lahaayeen howlaha sugista amniga iyo la shaqeynta ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

May be an image of 3 people, people sitting and indoor

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeyo Guuto Sulub Axmed Firin ayaa qaabilay Taliyaha ciidanka Boliiska hawlgalka midowga Afrika ee ATMIS Hillary Sao Kanu iyo Sarkiil ay hoggaaminaysay ayaa uga mahadcelshay booqashada ay uga yimaadeyn Xafiiskiisa, isaga oo ku amaanay doorkooda wada shaqeenayd.

May be an image of 5 people and people standing

Taliyaha Ciidanka Boliiska hawlgalka midowga Afrika ee ATMIS Hillary Sao Kanu ayaa Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeyo Guuto Sulub Axmed Firin uga mahadcelisay soo dhaweynta uu ugu sameeyay xafiiskiisa.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka & Danjiraha cusub ee dowladda Itoobiya?

Read Next

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo shirguddoomiyay shir looga hadlayay xaaladda Magaaalada Baardheere.