Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Herve Renard oo ahaa Tababarihii Xulka Kubadda Cagta Sacuudiga ayaa warqad is casilaad ah u diray Xiriirka Kubadda Cagta ee Dalkaas ee loosoo gaariyo (SAFF) iyada oo go’aankaan uu lama filaan ku noqday xiriirkaas.
Renard oo lagu xusuusto in uu xulka qaranka ee kubadda Cagta Sacuudiga in uu dhisay kana soosaaray ciyaartoy wanaagsan ayaa si gaar ah diiwaanka u galay in uu maskax ku garaacay Xulka Argentina ee ku guuleystay Koobka Adduunka 2022.
Tababaraan u dhashay Faransiiska ayaa fursad ka helay xulka Haweenka ah ee dalkiisa oo ciyaaraya Koobka Adduunka Dumarka 2023 ee ka dhacaya waddamada Australia & New Zealand 20ka June.
Xaanshi uu soosaaray xiriirka Kubadda Cagta Sacuudiga ee (SAFF) ayaa lagu bogaadiyay doorkii Macalinta xulkaas ee shaqada ka tegay uu ku lahaa in meel muuqata uu keenno ciyaartoyda iyo magaca Dalkaas, waxa uu rajeeyay in uu sii gaaro guullo hormar leh.
“Waxaa la gaaray heshiis sharci ah oo lagu soo afjarayo heshiiska labada dhinac. Guddoomiyaha iyo Guddiga Agaasimayaasha ee SAFF waxay u rajeynayaan Mr. Renard guul kasta oo uu ka gaaro mustaqbalkiisa” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xiriirka Kubadda Cagta Sacuudiga (SAFF).
Herve Renard ayaa Xulka Qaranka Kubadda Cagta Sacuudiga lagu aaminay Bishii July 2019kii, waxa uu soosaaray ciyaar xulkaas u suurageliyay in ay kasoo gudbaan is reeb-reebka Koobkii Adduunka ee xulalka Qaaradda Aasiya.
54 jirkaan ayaa magac siisameeyay kaddib markii kulankii furitaanka Guruubka oo ay kulmeen Xulkii ku guuleystay Koobka Adduunka 2022 ee Qatar lagu qabtay ee Argentina uu dhegta dhiigga u daray isaga oo ku garaacay 2-1 taasi waxa ay soo jeedatay indhaha mucaashiqiinta kubadda cagta.
Mustaqbal
