IGAD oo ku baaqday in Gargaar bani aadamnimo la siiyo Dadka Abaartu ku saameysay Soomaaliya, Itoobiya & Kenya.

Urur Goboleedka IGAD ayaa markale ku celiyay in gurmad la gaarsiiyo oo la gacan qabto Dadka ku dhibaateysan Abaarta ku dhufatay Waddamada Soomaaliya, Itoobiya & Kenya ee wajahaya duruufaha kala duwan ee dhanka Nolosha ah.

IGAD ayaa sheegtay in ka badan 17 Milyan oo ruux oo ku kala nool Soomaaliya, Itoobiya & Kenya in ay saameyn taban ku reebtay Abaarta, qaarkood ayaa degay goobo Barakac kaddib markii ay ka gacmo marnaadeen Xoolihii ay dhaqanayeen & Beerihii ay falanayeen.

Waxa uu soo jeediyay in indhaha si gaar ah loogu hayo Dadkaan u baahan Gargaarka Bani aadamnimo ee aanay heysan wixii ay filayeen & wax u dhow, Ururka IGAD ayaa sheegay in uu kordhinayo codsiyada uu ku dalbanayo in la garab qabto.

Warbixinno ay diyaariyeen Hay’adaha qaabilsan Gargaarka Bani Aadamnimo ee Qaramada Midoobay iyo kuwa gaarka ah ee aan Dowliga ahayn waxa ay ku sheegeen in weli ay taagan tahay saameynta ka dhalatay Abaarta ku dhufatay Soomaaliya, Itoobiya & Kenya.

Sanduuqa Taakulada Carruurta UNICEF ayaa sheegay in ku dhowaad 2.5 Milyan oo Carruur ay wajahayaan xaalad macluul ah oo haddii aan aanay heli gargaar ku filan iyo gurmad degdeg ah xaaladdoodu halis geli karto una geeriyoon karaan.

Saraakiil katirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine uu lugaha ka dabray Gargaarkii Bani aadamnimo ee dalkaas laga qaadi jiray si loo gaarsiiyo waddamada cunno la’aanta ka jirta.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Tababarihii Xulka Kubadda Cagta Sacuudiga ee Koobkii Adduunka 2022 garaacay Argentina oo Is casilay.

Read Next

Isbitaalka Degmada Aadan Yabaal oo 15-sano kaddib dib loo furay.