Isbitaalka Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe DG Hir-Shabeelle ayaa 15-sano kaddib dib loo furay, maamulka Degmadaas, Shacabka & howlwadeennada Caafimaadka ayaa si wadajir ah uga hadlay muhiimadda uu leeyahay Isbitaalkaan.

Qaar kamid ah Dadka deegaanka ee adeegga Caafimaad u tegay Isbitaalka Degmada Aadan Yabaal ayaa sheegay in dhibaatooyin xooggan ay qabeen 15-kii sano u dambeeyay, adeegga caafimaad ay u baahdaana ay u aadayeen Muqdisho & Jowhar oo masaafo ahaan ka fog.

Isbitaalka waxaa adeeg Caafimaad ka helaya Dadka ku nool tuulooyinka iyo deegaannada ka fog Degmadaas, waxa ay bogaadiyeen doorka Dowladda Federaalka ku leedahay in ay helaan goob caafimaad oo baahi weyn ay u qabeen.

Mid kamid ah Bukaannada fursadda u helay in lagu daweeyo Isbitaalka ayaa sheegay in uu ka yimid deegaan 35 KM u jira dhanka Degmada Aadan Yabaal, waxa uu tilmaamay in safar dheer u geli jireen Magaalada Muqdisho.

“Waxa aan ka imid meel 35 KM u jirta dhanka Bari ee Degmada Aadan Yabaal, daawadaan maanta la isiiyay halkii xabo waxaa la iga siin jiray $4 ama $5 oo waxaa ii dheeraa safarka gaariga aan raacay, waan u mahadcelinayaa Dowladda oo inoo hirgelisay Isbitaalka” Sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dadka adeegga caafimaad ka helay Isbitaalka Degmada Aadan Yabaal.

Guddoomiyaha Degmada Aadan Yabaal Maxamuud Sheekh Xasan ayaa guul ku tilmaamay dib u howlgelinta Isbitaalka guud ee Degmadaas, waxa uu sheegay in Haweenka ay qaarkood dhiig-bax u dhiman jireen inta aan la gaarsiin goobaha Caafimaadka oo aad uga fogaa.

“Xamar oo kale, Jowhar oo kale ayaa loo qaadi jiray Haweenka uurka leh ee dhali waayay & dhaawacyada culus, niman Khawaariij ah ayaa ku sugnaa oo horay u kac malahayn Degmada Aadan Yabaal, Dadweynaha aad iyo aad ayaa loogu daweeyaa, waxaana ku socda dib u dhis lagu kordhinayo” ayuu yiri Guddoomiyaha Aadan Yabaal.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo garab ka helaya ayaa 6dii December 2022 waxa ay qabsadeen Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo 15-sano ay maamulayeen ‘AS’, Degmadaan waxa ay Muqdisho u jirtaa 245 KM Dhanka Waqooyi.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 26kii Maarso 2023 waxa uu booqasho taariikhda gashay ku tegay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe maadaama madaxweyne degmadaas taga uu ugu dambeeyay Madaxweynihii Dowladdii Militariga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre oo Dowladdii uu hoggaaminayay ay la riday 26kii Janaayo 1991dii.

Mustaqbal
