Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?
Wasiiraddii shaqada iyo arrimaha bulshada ee dalka Cuba, Marta Elena Feito Cabrera, ayaa iska casishay xilka, kadib markii ay sheegtay in “Cuba aysan lahayn darbi-jiif (tuugsade), balse dadka qaar iska dhigaan darbi-jiif.”
Waxay sidoo kale sheegtay in dadka nadiifiya muraayadaha gawaarida iyo kuwa qashinka ka baara waddooyinka ay yihiin kuwo lacag ku helo si sahlan kuna kharash gareeya khamri, halkii ay shaqo rasmi ah ka qaban lahaayeen.
Hadalladeeda waxay si degdeg ah uga caraysiiyay dad badan gudaha dalka, waxayna baraha bulshada ku faafeen si weyn. Waxaa dad badan dalbadeen in xilka laga qaado.
Ugu dambeyn, wasiiraddu waxay qiratay khaladkeeda waxayna iska casishay xilka.
Madaxweynaha Cuba, inkastoo uusan magacaabin, haddana wuxuu ku dhaleeceeyay hadalladaas isagoo sheegay inuu yahay kicin bulsho.
Is-casilaaddeeda waxay ku soo beegantay xilli dalka Cuba uu la tacaalayo dhibaato dhaqaale, koronto la’aan, shidaal yari, iyo cunaqabatayn ay saareen Mareykanka.
Mustaqbal
