Maamulka Hirshabeelle oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah AS

Golaha Wasiiradda Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa yeeshay kulankooda caadiga ah, iyagoo ka wada hadlay dagaalka AS iyo Dardar galintiisa.

Kulanka oo uu guddoomiyay Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa warbixin looga dhageystay xubnaha Golaha wasiiradda ee maamulkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga warbixiyey xaaladdihii ugu dambeeyay ee dhanka Amniga waxa uu xusay in farsamo ahaan lagu mashquulsan yahay sidii dib looga saari lahaa AS degmooyinka iyo deegaanada ay dhawaan qabsadeen.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in ay taageerayaan ciidankad deegaanka si ay u xoojiyaan dagaalka AS.

Magaalada Moqokori iyo deegaanka Tardo ayaa waxaa dhawaan la wareegay AS, ka dib markii ay ka baxeen ciidanka dowlada.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Wasiir Cuban ah oo iska casishay xilli ay sheegtay hadal ay dad badan ka caroodeen

Read Next

Maamulka Puntland oo ku dhawaaqay in aysan aqoonsaneyn hannaan dhismaha SSC Khaatumo