Wasiir Araghchi “Ciidamadeenna waxa ay noqdeen kuwii horreeyay ee Maraykanka kasoo riday F-35”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi oo xog ka bixiyay guulaha ay ka gaareen iska difaacista Maraykanka iyo Israa’iil oo dhinac ah oo dalkiisa ku duullay 28kii Febaraayo 2026 oo khasaara xooggan ka dhashay dagaalkaas.

Abbas ayaa tilmaamay in ciidankooda xooggan ay taariikhda ku galeen inay soo rideen Diyaaradda F-35 oo awood ahaan Maraykanka uu aad ugu faano isaga oo kahor xiligaas dirayay fariimo muujinaya sida aan u sahlanayn in lasoo rido.

“Ciidamadeenna waxa ay noqdeen kuwii ugu horreeyay ee soo rida Diyaaradda F-35 ee awooddeeda uu Maraykanka ku faano, Geesiyaasheenna isma dhiibin mana is dhiibi doonnaan” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi

Dhibaatada gaartay Maraykanka ayuu xusay Wasiir Abbas in ay saamayn ku reebtay dalkaas, aqalka Congress-ka ayuu sheegay in uu qiray dhaqaale badan oo ballaayiin lagu qiyaasayo inay ku lumiyeen dagaalka ka dhanka ah Dalkiisa.

“Bil kaddib dagaalka uu cadawga kusoo qaaday Iiraan, Congress-ka Maraykanka waxa uu qirayaa in ballaayiin doollar ay ku waayeen dagaalkaas, tani waxa ay muujinaysaa jabka gaaray” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi.

Iiraan qudheeda waxaa dagaalkaas kasoo gaaray khasaara xooggan sida in laga dilay Hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee Dalkaas, sidoo kale hanti ayaa ku burburtay balse Tehran waxa ay ku faantay in qudheeda khasaara xooggan ay gaarsiisay Maraykanka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Jaamacadda Carabta oo ka digtay Khatarta ka dhallan karta faragelinta Israa’iil ay ku hayso Soomaaliya

Read Next

Bil kaddib, Imtixaanka Dugsiga Sare oo loo fadhiisanayo