Jaamacadda Carabta oo ka digtay Khatarta ka dhallan karta faragelinta Israa’iil ay ku hayso Soomaaliya

Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abul Qayd ayaa ka digay khatarta ka dhallan karta faragelinta Israa’iil ay ku hayso Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana uu cambaareeyay tallaabooyinka uu qaaday maamulkaas.

Abul Qayd ayaa markale xusuusiyay in ay waajib tahay in aan lagu xadgudbin midnimada & wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, waxaana uu soo jeediyay in Dalalka Caalamka meel fog ay ka istaagaan faragelintaas sida uu hadalka u dhigay.

Maamulka Cabdiraxmaan Cirro ee Waqooyi Galbeed ayuu uga digay in uu Safaarad ka furto Magaalada Qudus ee Xoogga ay ku haysato Israa’iil, waxa uu arrintaas ku tilmaamay mid barmadow ku noqon doonta Maamulkiisa.

Jamaal Rushdi, Afhayeenka rasmiga ah ee Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in Israa’iil qudheeda ay raadinayso Aqoonsi ay ka hesho Dalal kala duwan balse ay ku diidan yihiin dhulka ay Falastiin ka xooggayso.

Ku milankeeda Siyaasadda Geeska Afrika ayuu xusay in ay tahay khatar kale oo wayn una baahan kahortag, fariin gaar ah ayuu u diray Dalalka Carabta ee ururkaan xubinta ka ah iyo kuwa Islaamka isaga oo bogaadiyay in la qaado tallaabooyin looga soo horjeesanayo damaca Israa’iil ee Soomaaliya.

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Hoggaamiyaha uu u yahay Cabdiraxmaan Cirro ayaa maalin kahor sheegay in uu culays dhinacyo kala duwan ah uu la kulmay wixii ka dambeeyay markii ay ku faraq xirteen Israa’iil oo qudheeda aanay haysan aqoonsi isla markaana ka takooran Dalal badan oo caalamka ah.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Mucaaradka Dowladda oo sheegay in ay ka go’an tahay qabashada Dibadbaxa 4ta June

Read Next

Wasiir Araghchi “Ciidamadeenna waxa ay noqdeen kuwii horreeyay ee Maraykanka kasoo riday F-35”