MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Wasiiru Dowlaha wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle oo safar shaqo ku jooga Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa kulamo kala duwan la qatay madax Wasaarada waxbarashada Turkiga.
Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada ayaa la kulmay wasiirka waxbarashada dalka turkiga waxa ayna kawada hadleen horumarinta waxbarashada.

“Waxaan magaalada Ankara ee dalka Turrkiga kulan kula qaatay Wasiirka waxbarashada dalka turkiga Arimaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ahaa iskaashiga jaamacaddaha turkiga iyo Jaamacaddaha Soomaaliya, xoojinta xiriirka wada shaqeyneyd ee dhanka waxbarashada iyo sidii dalka turkiga qeyb ugu qadan lahaa horumarinta waxbarashada ardayda Soomaaliyeed” ayuu wasiir dowlaha wasaarada waxbarashada Soomaaliya.

Gudoomiya kuxigeenka Hay’adda Arimaha diinta turkiga oo qeyb ka ahaa kulanka waxa uu ii sheegay in markasta dowlada Turkiga ay diyaar u tahay garab istaaga Soomaaliya gaar ahaan waxbarashada ardayda Soomaaliyeed ayuu yiri wasiirk Dowlaha Waxbarashada.

Wasiiru Dowlaha wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa safarkiisa uu ku joogo dalka Turkiga waxaa ku wehliya madax ka tirsan wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
