MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegtay in 20 Askari oo ka mid ahaa Ciidamada dowladda Soomaaliya ay isu dhiibeen.
Warbaahinta AL-shabaab ayaa baahineysa in Askartaasi ay iska kala dhiibeen Gobollada Gedo iyo Galguduud.
16 ka mid ah Askartaas ayey Al-shabaab sheegeen in ay iska dhiibeen Magaalooyinka Garbahaareey, Baardheere iyo meelo kale oo ka tirsan Gobolka Gedo.
Halka afar Askari oo kale ay iska dhiibeen degmada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud oo ay hadda gacanta ku hayaan AL-shabaab.
Al-shabaab ma baahin sawirrada Askarta ay sheegeen in ay ka goosteen dowladda ee iyaga ku biiray sida ay sameyn jireen marar badan.
Dowladda Soomaaliya iyo maamullada Jubaland iyo Galmudug wali kama hadlin sheegashada AL-shabaab.
