Wadajir iyo Xamar Wayne oo usoo baxay wareegga Rubuc-dhamaadka tartanka kubadda cagta degmooyinka.

Degmooyinka  Wadajir iyo Xamar wayne  ayaa   kusoo biiray liiska degmooyinka usoo gudbay wareegga rubuc-dhamaadka tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir  2018.

Wadajir ayaa  4-1 uga adkaatay   Heliwaa oo ay kulan ciyaareed xiiso lahaa ku yeesheen garoonka Jaamacadaha, waxaana   goolasha laba kamid ah u saxiixay laacibka  No-10 Cabdalla Kuukaay Cal, halka ay goolasha kale u  saxiixeen Ayuub Axmed Aadan iyo Cusmaan Cabdiqani Basto oo rigooro kusoo qatimay. Goolka qura ee Heliwaa waxaa u saxiixay  Ceyduruus Cabdullaahi Yuusuf.

Dhanka kale  degmada Cabdi-casiis  ayaa 1-0 uga adkaatay  Xamar Wayne  oo ay kulan adag ku qaateen garoonka Banaadir.

Group D waxaa kaalinta koowaad uga soo baxay Wadajir oo 7 dhibcood  keensatay,  iyo Xamar Wayne oo 4 dhibcood   uruursatay, waxaana   tartanka isaga haray Heliwaa iyo Cabdi-casiis oo min 3 dhibcood keensaday.

Degmooyinkan ayaa ku biiraya , Wabaeri, Boondheere, Howl-wadaag, Shibis iyo Hodon, waxaa maanta     booska dhiman soo buuxin doonta degmooyinka Shangaani iyo Kaxda midkood oo ku ballansan garoonka Jamaacadaha.

Kaxda  ayaa 3 dhibcood oo ay    ku heshay  ganaaxii tartanka looga saaray   Dharkenley sidata , halka Shangaani ay 5 dhibcood leedahay waxayna kaxda kusoo baxdaa kaliya guul, halka Shangaani iyo guul iyo barbaraba kusoo gudbi karto.

Labada koox ayaa  galabta ku ballansan garoonka Banaadir  saacadda   3:30  galabnimo

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Cuntooyinka sababa in aad ku huruddo goobta shaqada,Sawirro.

Read Next

Dowlad Goboleedyada oo hakadgeliyey wadashaqeyntii kala dhexeysay dowladda dhexe