Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod
Xilliyada shaqada waxaa dhacda in dadka qaarkii ay ku Gamaayoodaan (lulmoodaan),goobaha shaqada,taas oo ugu dambeyn sababta in qofka uu ku hurdo Kursiga shaqada.
Haddaba waxaan idin soo gudbineynaa lix cunto oo ay ku badanyihiin maaddooyinka sababa hurdada ama lulmada xilliga shaqada,waxaana ka mid ah;
Caanaha:

Cuntooyinka hurdada keena waxaa ka mid ah caanaha, iyo caanaha oo laga sameeyo Farmaajada,Ukunta,Doolshaha iyo wixii la mid ah.
Sababta oo ah Caanaha iyo noocyadan kaleba waxaa ku jira maaddada Tryptophan,taas oo dhalinkarta maaddada serotonin oo isu beddesha melatonin,soona saarta hurdada.
Qamadiga:

Qamadiga laga sameeyo Soorta ama Cambuulada waxaa uu u wanaagsanyahay caafimaadka aroortii ee qofka laakiin sida caanaha oo kale waxaa ku jira maaddooyinka Melatonin iyo Amino Acid oo soo saara hurdada.
Iskudhafka:

Isku dhafka waxaa ka mid ah Galleyda,Mooska,Basasha iyo cuntooyin kale oo la isku kariyo kaddibna la cuno shaqada ka hor.
Waxaa ku jira Carbohydrates, oo sababi kara in qofka hurdoodo ama xubnaha qofka gabaan fir fircoonida taas oo horseedi karta Gamaayada ama lulmada.
Mooska:

Mooska waxaa ku jirta maaddada magnesium oo aad ugu wanaagsan jirka,laakiin waxaa ay soo saari kartaa hurddo badan.
Malabka:

Malabka waxaa ka buuxa sokor badan,taas oo mararka qaar sababta in maskaxda fariisato,qofkana sidaas ku hurdo.
Dhaqaatiirta waxaa ay dadka shaqeeya kula talinayaan in aysan badsan cuntooyinka horseedi kara in qofka fir fircoonida aroortii gabo,gaar ahaan xilliga ka horreeya shaqada ee subaxii ah.
W/turjumay: Adam Ibrahim Farah
Isha:Standardmedia
Mustaqbal Radio
