Waare oo Baladweyne u tagay Xalinta Muran dhinaca maamulka ah

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Xubno katirsan Maamulkiisa ayaa gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka, kan degmada iyo qaybaha bulshada ayaa soo dhoweeyay, waxaana la filayaa in uu kulamo la qaato Madaxda Gobolka Hiiraan, kan baladweyne iyo odoyaasha dhaqanka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in wafdiga Waare ay u gudbeen Deegaanka Ceel Jaalle oo dhaca duleedka Baladweyne oo ay ku sugan yihiin qaar kamid ah dadkii ka barakacay Baladweyn.

Xubno katirsan Qaramada Midoobe oo socdaalka ku wehlinaya Waare ayaa qiimeyn ku sameynaya Xaaladda dadka barakacayaasha ee Ceel Jaalle kunool.

Kulamada uu la leeyahay Maamulka Hiiraan, kan Baladweyne iyo Odoyaasha dhaqanka waxa ay ugu wada hadli doonaan sidii Xal looga gaari lahaa isbadalada isdaba joogga ah ee lagu sameeyay Hogaanka Gobolka iyo kan Magaalada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa isbadal isdaba joog ah ku sameeyay mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan iyo Magaalada Baladweyne.

Nabadoon Dacar Xirsi Nuur oo kamid ah Odoyaasha dhaqanka Hiiraan ayaa dhowaan sheegay in dano gaar ah laga leeyahay Magacaabista iyo xil ka qaadista isdaba joogga ku noqotay Gobolkaas.

Mustaqbal media

Read Previous

Waddooyinka Nairobi oo xirnaanaya 3; maalmood.

Read Next

86; Miino oo laga saaray Biyaha Badda Cas ee Dalka Yemen