86; Miino oo laga saaray Biyaha Badda Cas ee Dalka Yemen

Xulufada uu Sucuudiga hoggaaminayo ee ka dagaallama Dalka Yemen ayaa sheegay in ay 86 Miino ka saareen Biyaha Badda Cas ee Dalka Yemen,gaar ahaanna qeybta ay maamulaan Xuutiyiinta Yemen ka dagaallanta.

Afhayeenka Isbaheysiga Malik Al Turki ayaa sheegay in todobaadkii la soo dhaafay oo kali ah ay 36 Miino ka soo saareen Biyaha Yemen,halka Axaddii shalayna ay 13 kale ka soo saareen Biyaha.

Waxaa uu sheegay in Miinooyinkan ay halis ku yihiin Maraakiibta Ganacsiga,kuwa Kalluumeysiga iyo Doomaha Kalluumeysatada danyarta ah ee dalka Yemen.

Waxaa kale oo uu xusay in arrintan ay qatar ku tahay gargaarka Caalamiga ah ee la doonayo in la gaarsiiyo Yemen isaga oo sheegay in Miinooyinka ay yihiin nooca badaha.

Inta badan Miinooyinka ayuu sheegay in laga saaray meelo ku aaddan Gacanka Baabal Mandab iyo Koofurta Badda Cas.

Mustaqbal media

Read Previous

Waare oo Baladweyne u tagay Xalinta Muran dhinaca maamulka ah

Read Next

Maamulka gobolka Banaadir oo Wajahaya eed la xiriirta Dhaqaalaha Dowladda Hoose ee Muqdisho