Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Amaanka Magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya ayaa aad loo adkeeyay iyada oo maanta Magaaladaasi uu ka furmayo shirka Kheyraadka Badaha.
Shirkan waxaa ka qeybgelaya 11 Madaxweyne iyo wufuud kale oo Caalami ah,kuwaas oo shir saddex Maalmood soconaya ku leh Magaalada.
Taliyaha Booliska Kenya Joseph Boinnet, ayaa sheegay in waddooyinka Muhiimka ah ee Nairobi ay xirnaanayaan ilaa maalinta Arbacada ah ee soo socota islamarkaana waddooyinka qaar ee Magaalada ay ciriiri noqon doonaan.
Waxaa uu sheegay in si loo xaqiijiyo amaanka martida Kenya ku sugan Magaalada Nairobi lagu daadiyay 12,000 oo Askari,kuwaas oo xaqiijin doona amaanka Magaalada Nairobi inta shirkaasi socdo.
Madaxda Shirkan ka qeybgaleysa waxaa ka mid ah Madaxweynaha dalka Seychelles, Danny Faure,kaas oo dhawaan loo doortay Guddoomiyaha Ururka Blue Economy ee Midowga Afrika, madaxweynaha dalka Namibia, Xaaji Geingob ,Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullahi Farmaajo,Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Madaxweynaha Dalka Congo, Sassou Nguesso, Ra’isalwasaaraha Dalka Fiji, Frank Bainimarama.
Wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Monica Juma, ayaa sheegtay in ay hayaan liiska 11,000 oo Wufuud ah oo shirka ka qeybgalaya halka ay markii hore ku tala galeen 6,000 oo qof.
Shirkan waxaa shir guddoon ka noqonaya, Madaxweynayaasha dalalka Canada,Japan, iyo Kenya oo marti gelineysa.
Monica Juma ayaa sheegtay in inkabadan 50 Wasiir ay shirkan ka qeybgeli doonaan.
