Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood
Ugu yaraan 15 Qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii Saaka koox ka tirsan Al-shabab ay weerar ku qaadeen Xarun uu lahaa Wadaad lagu magacaabo C/Wali Cali Cilmi oo isaga laftiisa ka mid ah dadka dhintay.

Weerarka oo ku billowday Qaraxyo Gaadiid loo adeegsaday ayaa waxaa xigtay rasaas dhexmartay ilaalada wadaadka iyo raggii weerarka qaaday,waxaa markii dambe ku biiray Ciidanka Danab.
Wararku waxaa ay hadda sheegayaan in dagaaalkiina la soo afjaray,Ciidamada Danab ayaa la sheegayaa in ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah Ragii ka tirsanaa Al-shabaab ee Xarunta weeraray oo dhaawac ah.
Dhinaca Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo waxaa la geeyay tiro dad ah oo ku dhaawacmay raasaasta dhexmareysay Ragga weerarka qaaday iyo Ciidamada Maamulka Galmudug iyo kuwa gaarka u tabaran ee Danab.
Al-shabaab ayaa durbadiiba sheegatay Mas’uuliyadda weerarka oo ay ku sheegeen in ay dileen Wadaad Nabinimo sheegtay,kaas oo caan ka ahaa Gaalkacyo, laakiin Wadaadkan ma sheegan Nabinimo ee waxaa uu soo bandhigay sawirro uu ku sheegi jiray Nabi Maxamed Naxariis iyo Nabad galyo korkiisa Allaha yeelee.
C/Wali Cali Cilmi,waxaa dhalay Sheekh Cali Cilmi yare, oo ahaa Caalim weyn oo caan ka ahaa Gobolka Mudug.
