Taliye Ku xigeenka Booliiska Soomaaliyeed S/guuto Sakiya Xuseen Axmed oo maanta warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in Ciidamada Booliiska ay gacanta kusoo dhigeen dad ku eedeysan kiisas kala duwan.
Dadkaan oo ku dhow boqol qof waxa ay ku kala eedeysan yihiin, qaar lala xiriirinayo ama lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin Al-Shabaab, Nin la sheegay in uu dilay Gudoomiye waaxeed katirsan Gobolka Banaadir oo lagu qabtay degmada Xamarweyne iyo 8-ruux oo kale, Burcad dhac ka geysanayeysay Degmada Dayniile, shaqsiyaad ku howlanaan Iibinta Walxaha Maanka dooriya iyo 60-ruux oo lagu soo qabtay howlgal guri guri lagu baarayay oo ka dhacay Duleedka Muqdisho.
Sakiya ayaa sheegtay in Ciidamada Ammaanka Dowladda ay sii wadi doonaan howlgalada ay ka wadaan Caasimadda iyo Degmooyinka Muqdisho, waxa ay shacabka ka dalbatay in ay sii kordhiyaan wada shaqeynta iyo wargelinta Ciidamada waxyaabaha amniga liddiga ku ah.
Ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaad bil waxa ay howlgalo lagu sugayo amniga ay ka wadaan Magaalada Muqdisho, howlgalka ayaa mararka qaar ka dhaca duleedka Muqdisho.
Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in mudada howlgalada ay socdaan in lagu soo qabtay dad lala xiriirinayo Al-Shabaab oo qaarkood baaris ku socoto sida ay hadalka u dhigeen.
