Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Tamamota ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeebelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne Ku Xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Sheekh Cusmaan Barre.
Inta kulanka uu socday waxa ay labada dhinac ugu wada hadleen dhinacyada Amniga, taageerista Mareykanka ee Hir-Shabeelle iyo hormarinta deegaanada.
Sidoo kale waxa ay kawada hadleen Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya iyo saddexda mas’uul ugu sareyso Maamulka Hir-Shabeelle hormarinta wax soosaarka Beeraha, gaar ahaan Dalagyada, Bariiska, Sisinta, Looska dhiiragelinta wax soo saarka.
Madaxweyne Waare ayaa Danjire Yamamota ka dalbaday in uu kaalin wanaagsan ka qaato sidii Mashaariic shaqo abuur ah loogu sameyn lahaa dhalinyarada shaqo la’aanta ku heysata Deegaanada Hir-Shabeelle.
Ambassador Yamamota ayaa dhowaan Magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo Galmudug oo ay kala hadleen kaalmada Soomaaliya ee Dowladda Federaalka loosoo mariyo iyo codsiyo gaar ah oo ay u dirsadeen.
Donald Yamamota Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ka wada Soomaaliya, isaga oo kordhiyay kulamada uu la qaadanayo Madaxda heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed.
