Golaha shacabka oo maanta yeelanaya kulankii ka baaqday sabtigii

Golaha shacabka oo fadhiga xaruntooda.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin yeelanaya kulankii Kooram la’aanta uga baaqday Sabtigii la soo dhaafay.

Ajedanaha kulanka ayaa ahaa xeerka sharikadaha Ganacsiga oo la marin lahaa aqrinta 1aad, sidaas ayuuna maanta yahay ajendaha.

Guddoomiyaha Guddiga Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha shacabka Maxamuud C/Raxmaan Beenebeene ayaa sheegay in maanta lagu celinayo ajendihii sabtgii baaqday.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa xildhibaannadii kulankaas ka baaqday ku eedeeyay in ay aadeen xaflad uu lahaa Xisbi siyaasadeed halkii ay shaqadooda qaranka gudan lahaayeen.

Web master

Read Previous

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya oo la kulmay Madaxda sare ee Hir-Shabeelle.

Read Next

Booliska Kenya oo codsaday in laga gacansiiyo qabashada saddex qof oo argagixiso ah