Hantidhawraha Qaranka oo amray in la joojiyo xisaab socotooyinka Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) Hanti dhowraha qaranka

Warqad kasoo baxday Xafiiska Hantidhawraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali ayaa lagu amray in la joojiyo xisaab socotooyinka Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Xaanshidaan oo ku socoto Bangiyada gaarka loo leeyahay, waxaa la Ogeysiisay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow iyo Bangiga dhexe ee Dalka.

Sababta waxa uu xafiiska Hantidhawraha ku sheegay in lagu jiro Xilliga baarista Dastuuriga ah ee sanadlaha oo uu xafiiskaan sameeyo.

Warqadda ayaa lagu cadeeyay in howshaan joojinta aan saameyn ku yeelan doonin dakhliga soo galo Dowladda hoose ee Muqdisho, balse kaliya illaa amar dambe la joojiyay lacag la bixidda.

Hoos ka aqriso Warqadda kasoo baxday Hantidhawraha guud ee Qaranka.

https://scontent-mrs2-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

 

Web master

Read Previous

Golaha guurtida Somaliland oo ka gaabsaday xalinta muranka siyaasadeed ee Xisbiyada.

Read Next

Taliska Booliiska Soomaaliyeed oo sheegay in ay qabteen dad ku eedeysan Kiisas kala duwan.