Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Baaris ay ku wadaan waxyaabaha uu sababsaday Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed oo katirsanaa Booliiska.
Waxa ay intaa ku dartay in Hay’adda Dambi baarista Booliiska ee loosoo gaabiyo CID-da ay ku howlan tahay kiiskaan.
“Alle u naxariistee waxaa maanta geeriyooday Marxuum G/Dhexe Cabdi Cali Seed oo ahaa sarkaal ka tirsan Ciidanka Boliiska gaar ahaan Ciidamada Daraawiishta. Hay’ada Dembi Baarista ee CID ayaa haatan ku hawlan baaris ku saabsan sababta uu u geeriyooday marxuumka”. Ayay tiri Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed.
Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed waxaa meydkiisa laga helay Xerada Sheelare oo uu deganaa, isaga oo qoorta ugu xiran Xarig isla markaana kasoo laalaado Geed, waxaana ehelkiisa ay dalbadeen in la baaro, iyaga oo sheegay in aysan aaminsaneen in uu is daldalay.
La soco wixii kasoo kordha.
