Madaxweyne Waare oo Xilka ka qaaday Yuusuf Daba-geed, waxaana Gudoomiye cusub uu u magacaabay Hiiraan.

Cali Maxamed Caraale Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan

Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare waxaa Xilka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan looga qaaday Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed, waxaana xilkaas loo magacaabay Cali Maxamed Caraale.

Sababta Magacaabista Gudoomiyaha Cusub ee Hiiraan, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle waxa uu ku tilmaamay in ay mahuraan noqotay kadib markii uu eegay qodobo kamid ah Dastuurka Maamulkaasi.

Sidoo kale Maxamed Cabdi Waare waxa uu kula dar-daarmay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiran Cali Maxamed Caraale in uu dar-dar geliyo howlaha horyaalla.

Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Daba-geed oo Warbaahinta shalay kula hadlay Magaalada Baladweyne waxa uu eedeyn kala dul dhacay Madaxweyne Waare.

Waxyaabaha ugu badan ee uu ku dhaliilay waxaa kamid ah, in uu caqabad ku yahay horumarka Gobolka, isla markaana mudada uu xilka hayo aan waxba u qaban dadka Hiiraan.

Dowladda Federaalka ayuu xiligaas ka dalbaday in ay farageliso cabasho uu sheegay in Odoyaasha dhaqanka, Ganacsatada iyo qaybaha Bulshada ay ka yihiin Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Maalmihii lasoo dhaafay Gobolka Hiiraan waxaa ka jiray khilaaf dhanka Maamulka ah, taas oo gaartay Madaxda sare ee Hir-Shabeelle.

Web master

Read Previous

Taliska Booliiska Soomaaliyeed oo sheegay in ay baarayaan Sababta uu u geeriyooday sarkaal Meydkiisa la helay.

Read Next

Sarkaal Soomaali Mareykan ah oo Xukun lagu riday.