Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo warbaahinta la hadlay maanta ayaa eed kala dul dhacay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Waxa uu ku eedeeyay in uu ka eexday dadka Hiiraan, isla markaana aan waxba kusoo kordhin mudada uu Xafiiska Joogo.
Gudoomiye Daba-geed waxyaabaha uu sida gaarka ah ugu dhaliilay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle waxaa kamid ah, in uusan bixin mushaarka Ciidamada, Maamulka Gobolka, in lagu hor weeraray Ciidamada Magaalada iyo in uu kahor istaagay dhaqaalaha ay ku helaan canshuurta ay qaadaan.
Eedeemaha uu u jeediyay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Gudoomiye Daba-geed waxa uu ku sheegay in ay kaga timid Shacabka, Ganacsatada iyo Odoyaasha dhaqanka.
Muddo ayuu sheegay in ay ka xishoonayeen Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle, isaga oo sheegay in aysan qaadan doonin waxyaabaha uu ka damacsan yahay Gobolka Hiiraan.
Dowladda federaalka waxa uu ka dalbaday in ay ilgaar ah u yeelato Xaaladda ka taagan Gobolka Hiiraan iyo Cabashada bulshada kunool kasoo yeereysa.
Hoos riix si aad u dhageysatid codka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Wararka Mustaqbal ay ka heleyso Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in uu jiro Khilaaf u dhaxeeyo Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Madaxda sare ee Hir-Shabeelle.
Khilaafka ayaa salka ku haya lacagaha canshuurta Gobolka Hiiraan, taas oo laga qaado Gaadiidka iyo Goobaha ganacsiga.
