Sharikadda diyaaraha ee Ethiopian Airlines oo hakisay duullimaadyadii Muqdisho

Sharikadda Diyaaradaha Dalka Itoobiya ayaa la sheegayaa in ay hakad kooban gelisay Duullimaadyadeedii Muqdisho iyo Adis ababa.

Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii Nin u dhashay Koofur Afrika lagu qabtay Boorso uu watay Garoonka Aadan Cadde taas oo uu doonayay in uu ula dhoofo Adis ababa.

Boorsada Ninkaas ayey Ciidamada amaanka ka heleen Gaaska loo adeegsan karo qaraxyada waxaana markii ay ciidanka qabteen kaddib la wareegay Ciidamo ajannabi ah.

Ninkan ayaa la qabtay Sabtigii la soo dhaafay,waxaana ku socda baaritaan la xiriira walxaha gaaska ah ee qarxi kara oo uu damacsanaa in uu la raaco diyaaradda.

Maamulka Ethiopian Airlines ayaa Maamulka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde soo weydiistay in uu faah faahiyo waxa ninkaasi ahaa iyo walxaha laga shakiyay ee lagu qabtay.

Sharikadda Diyaaradaha Itoobiya ayaa Soomaaliya ka shaqa billowday Bishii November ee sanadkii la soo dhaafay,waxaana duullimaadkaasi billowday 40 Sano kaddib.

Mustaqbal media

Read Previous

Guurtida Somaliland oo waqtiga u kordhisay Baarlamaanka

Read Next

Iraan oo ku hanjabtay in ay Adduunka ka tireyso Israel