Guurtida Somaliland oo waqtiga u kordhisay Baarlamaanka

Golaha Guurtida ee Maamulka Somaliland ayaa muddo kordhin u sameeyay Golaha Wakiillada kaddib kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Hargeysa.

Kulanka Golaha Guurtida ee saaka waxaa shir guddoominayay Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan,waxaana xaadiray 70 xubnood oo ka mid ah Guurtida.

Muddo kordhinta loo sameeyay Wakiillada Somaliland ayaa gaareysa sagaal bilood,waxaana doorashada Baarlamaanka ee Somaliland ay dhaceysaa Bisha December 2019.

Xildhibaannada waqtiga loo kordhiyay ayaa muddo xileedkooda waxaa uu ku egyahay January 2020 sida ay sheegeen golaha Guurtida.

Muddo kordhintan waxaa ay ku soo aadday iyada oo uu khilaaf xoog leh u dhaxeeyo Xisbiyada saddexda ah ee ka jira degaannada Maamulka Somaliland.

Mustaqbal media

Read Previous

Booliska Kenya oo sheegay in weerarkii Dusit ka hor ay fashiliyeen weerar kale

Read Next

Sharikadda diyaaraha ee Ethiopian Airlines oo hakisay duullimaadyadii Muqdisho