Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in Al-shabab ay qorsheeyeen weerarro mataano ah oo isku mar la damacsanaa in laga fuliyo Mombasa iyo Nairobi.
Saraakiil Boolis ah oo magacooda qariyay ayaa u sheegay The Star in Ciidanka Amaanka ay fashiliyeen weerar la mid ahaa kii Dusit Hotel ee Nairobi oo isla maalintaas lala damacsanaa Magaalada Mombasa.
Boolisku waxaa ay sheegeen in ay heleen xogta xiriir isku xirayay kooxda weerartay Nairobi iyo kuwa Mombasa damacsanaa.
Waxaa ay xireen waddada isku xiirta Mombasa iyo Malindi kana timaada keynta Booni,iyaga oo raadinayay Gaari Hoomey ah oo 14 kursi leh kaas oo rasaas u waday kooxda damacsanaa weerarka Mombasa.
Markii ay Kooxda Nairobi ka war heleen in waddooyinka xiranyihiin ayey go’aansadeen in ay ku dhaqaaqaan weerarka sidaasna lagu fashiliyay weerarkii Mombasa.
Xogtan ayey u badantahay in laga helay qoyska Ninkii isku qarxiyay Hotel DusitD2 oo la soo xiray Aabbihiis iyo Xaaskiisa.
Xaaska Maahir Khalid Riziki, oo ah Ninka isqarxiyay ayaa Taleefankeeda la wacay waxaana markii la wacay soo baxay Magaca hadafku waa Jannada oo ku soo baxday adeegga True Caller-ka ee Taleefanada.
Lama sheegin ilaa hadda goobta rasmiga ah ee weerarka Mombasa lala doonayay,waxaana ay Booliska ka gaabsadeen faah faahinta qorshaha ay sheegeen in uu fashilmay.
