Iraan oo ku hanjabtay in ay Adduunka ka tireyso Israel

Dowladda Iran ayaa si caro leh uga jawabatay hadal dhawaan ka soo baxay Ra’isalwasaraha Israel oo uu ku sheegtay duqeyn ka dhacday Syria lalana beegsaday Saldhig ay Iraan ku leedahay dalkas Syria.

Taliyaha Ciidanka kacaanka Iraan Jeneraal  Aziz Nasirzadeh, ayaa sheegay in Dhallinyarada kacaanka Iraan ay diyaar u yihiin dagaal ay la galaan Israel kana tir tiraan qariiradda Caalamka.

Waxaa uu sheegay in Iraan ay isku filantahay iskana difaaceyso gardarrada Israel ay ku heyso Dalka Iraan.

Israel ayaa sanadkii la soo dhaafay iyo sanadkan waxaa ay dumqeymo ka geysatay gudah Syria iyada oo duqeysay Saldhigyada Ciidanka Iraan ee taageera Madaxweynaha Syria.

Inta badan Israel ma sheegin jirin mas’uuliyadda duqeymahaas,hayeeshee todobaadkan Ra’isalwasaaraha Israel ayaa ka hor sheegay Golaha Wasiirrada.

Mustaqbal media

Read Previous

Sharikadda diyaaraha ee Ethiopian Airlines oo hakisay duullimaadyadii Muqdisho

Read Next

Wafdi ka socda Finland oo Muqdisho soo gaaray.