Magalada Muqdisho waxaa Maanta soo gaaray mas’uuliyiin ka socatay 25 Shirkadood iyo Diplomaasiyiin Finland ah,iyada oo siweyn loo soo dhaweeyay garoonka diyaarada ee Magaalada Muqdish.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo mas’uuliyiin kale oo socday labada Gole ee Dowlada Soomaaliya ayaa wafdigaan kusoo dhaweeyay Magalada Muqdisho,iyaga oo kulan gaar ah la yeeshay Masuuliyiintiin ka socatay Finland.

U jeedada wafdigaan ayaa waxaa lagu sheegay in Magalada Muqdisho ay uga qeyb geli doonaan shirka Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Dowladaha Soomaaliya iyo Finland oo Muqdisho ka dhacaya sida ay sheegeen Masuuliyiinta ka tirsan Wasaarada Ganacsi iyo Warshada Soomaaliya.

Somaaliya ayaa xiligaan wado sharsho lagu balaarinayo gacasiga iyo Shirkadaha Ganacsi ka howlga Soomaaliya,si sarra loogu qaado kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya oo mudooyinkaan dambe soo kabanaayay.

