MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya
Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose.
Michael Keating,ayaa ka qeybgelaya shirka Madaxda dowlad Goboleedyada Soomaaliya oo maanta ka furmaya Magaalada Kismaayo.
Keating waxaa Garoonak Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam.
Kaddib waxaa uu Guriga martida ee uu ka dhacayo shirka Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada kula kulmay Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada ee ka qeybgelaya shirkaas.





