Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Romelu Lukaku ayaa guul ku hogaamiyay kooxda Manchester United, kadib markii uu 2 gool dhaliyay kulankii Burnley ee horyaalka Premier League.
Manchester United ayaa kulankan guul kaga gaartay dhigeeda Burnley 2-0, waxayna kaga soo kabatay labadii guuldaro xiriirka ah ee lasoo dhaafay.
Shabakada caanka ah ee Squawka ayaa sheegtay in Romelu Lukaku uu kulanka dhaliyay goolkiisii 104-aad ee horyaalka Premier League, kadib 224 kulan uu u ciyaaray kooxaha kula duwan uu soo maray.
Romelu Lukaku ayaa wuxuu sidaas kusoo barbareeyay goolashii uu Didier Drogba ka soo dhaliyay horyaalka Premier League ee gaarsiisnaa 104 gool, kadib 254 kulan Premier League ah uu soo ciyaaray.
