Saraakiisha Dowladda oo sheegay in Rag ka tirsan Al-shabaab iska dhiibeen Dolow,Sawirro

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegaya in labo ka tirsan AL-shabaab ay iska dhiibeen halkaas.

Labada qof ee iska dhiibtay Dolow waxaa lagu kala magaacaa Farxaan Cabdi Maxamuud iyo Cabdullaahi Maxamed Maxamuud.

Labada qof ee iska dhiibay Doolow iyo sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda

C/Wahaab Axmed oo Al-shabaab u qaabilsanaa Dacwada ayaa shalay iska dhiibay Garbahaarrey sida ay sheegeen Ciidamada Dowladda.

Labo Qori oo AK47 ah oo ay wateen wiilasha isdhiibay.

Sidoo kale Saaka ayaa labo ka mid ah Al-shabaab waxaa ay iska dhiibeen Degmada Dolow ee Gobolka Gedo,kuwaas oo watay Labo qori oo AK47 ah.

C/Naasir Maxamed iyo Cali Dhuux, oo iska dhiibay Baladweyne.

Dhinaca kale saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in labo qof oo dhallinyaro ah kana tirsanaa Al-shabaab ay iska dhiibeen magaalada Beledweyne.

 

Web master

Read Previous

SNA forces seized Bariirre Village from Al-shabab

Read Next

Wasiirkii Warfaafinta Soomaaliya oo is casilay.