Saraakiil reer Gaza ah oo sheegay in Israeli ay dileen 7-ruux

Ciidamada Israel ayaa Marinka Gaza ku dilay 7-Falastiiniyiin ah ka dib kolkii howlgal qarsoodi ah iyo duqeyn xagga cirka ah ay la beegsadeen saraakiil ka mid ah ururka Xamaas.

Sarkaal ka tirsan Xamaas oo lagu magacaabo Ghazi Hamad ayaa sheegay in Unug ka socda ciidamo Israeli oo  wata Gaari kuwa shicibka ah ,isla markaana ay dusha kala socdaan diyaaradaha wax duqeeya ay gudaha u soo galeen koonfurta magaalada Khan Younis,halkaana ay ku dileen Nour Baraka,kaas  oo ah taliyihii Guutada al-Qassam  garabka hubeysan ee Ururka Xamaas iyo sarkaal kale.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in rasaas dhexmartay labada dhinac kadib diyaaradaha dagaalka Israeli ay dhawr gantaal ku dhufteen halkaasi,ayna ku dileen 4-shacab ah.

Sidoo kale Askari Yuhuud ah ayaa lagu dilay rasaastii ay isweydaarsadeen ciidamada Israeli iyo kuwa Xamaas.

Afhayeenka ururka Xamaas oo lagu magacaabo Fawzi Barhoum,ayaa cambaareeeyay weeraradaasi wuxuuna ku tilmaamay kuwo fulaynimo ah.

Mustaqbal media

Read Previous

Real Madrid oo ku raad joogta saxiixa Lago Aspas.

Read Next

Kenya Govt to spearhead dialogue between Borana and Somali elders