RW Xamse oo ka hadlay wada hadallada Dowladda iyo Mucaaradka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ay marayaan heer wanaagsan, isla markaana ay dhinacyadu ku dhow yihiin in ay gaaraan heshiis, xilli maanta dib uga billowdeen magaalada Muqdisho kulamadii ay garwadeenka ka tahay Dowladda Turkiga.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin karo oo keliya wada-hadal iyo is-afgarad, isagoo ku boorriyay dhammaan dhinacyada inay mudnaanta siiyaan danaha qaranka, kana shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa natiijo lagu wada qanco.

Wada-hadalladan ayaa si rasmi ah u billowday 9-kii bishan, iyadoo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, hannaanka siyaasadda iyo sidii loo yareyn lahaa kala aragti duwanaanshaha u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Dowladda Federaalka iyo saddexda garab ee mucaaradka, Golaha Mustaqbalka, Golaha Midnimo Qaran iyo isbahaysiga Nabad iyo Nolol ayaa isku raacsan doorasho qof iyo cod ah.

Hadalka Ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli warar soo baxaya ay sheegayaan in kulankii ugu dambeeyay ee maanta uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

MW Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Ra’iisul wasaaraha cusub ee UK

Read Next

Jubbaland oo sheegtay in ay burburisay goobo ay ku sugnaayeen AS