MW Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Ra’iisul wasaaraha cusub ee UK

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Boqortooyada Midowday UK ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha, Mudane Andy Burnham, oo si rasmi ah xilka ula wareegay.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladda UK ay tahay dal saaxiib dhow la ah Soomaaliya marka la eego dhinacyada dib u dhiska dalka iyo horumarinta Amniga.

 “Waxaan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee UK, Andy Burnham. Ingiriisku waa bah-wadaag qiimo leh oo ay naga dhexeyso saaxiibtinimo qoto dheer iyo iskaashi dhinacyo badan taabanaya,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in uu rajeynayo in uu si dhow ula shaqeeyo Ra’iisul Wasaare Burnham.

Dalka UK ayaa muddo 10 sano gudahood ah wuxuu yeeshay 7 ra’iisul wasaare, ka dib markii dhammaantood ay fulin waayeen ballanqaadyadii ay ka qaadeen Bulshada.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyeysay Carruur Agoon ah oo ku geeriyooday Dab ka kacay Aljeeriya

Read Next

RW Xamse oo ka hadlay wada hadallada Dowladda iyo Mucaaradka