Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Saraakiil katirsan Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa guullo ka sheegtay howlgal ciidanka Daraawiishta oo kaashanaya Kumaandooska Danab ay ka fuliyeen duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.
Waxa ay sheegeen in la burburiyay goobo ay ku sugnaayeen ‘AS’ oo isugu jiray saldhigyo ay ka duullaan tagaan iyo xarumo ay lacago uga qaadaan Gaadiidka Dadweynaha ee isaga kala gudba deegaanno katirsan Gobolka Jubada Hoose.
Saddexdii Maalin lasoo dhaafay waxaa Gobolka Jubada Hoose ka socday howlgallo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan Ciidanka Federaalka ee Danab iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Jubbaland iyada oo deegaannada qaar dagaal kula galay ‘AS’
Mustaqbal
